Madaxweyne Xaaf oo lagu wado in maanta lagu caleemo saaro magaalada Cadaado

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ay ka dhacdo munaasabadda xafladda caleeemo saarka madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Munaasabadaasi ayaa waxaa kasoo qeyb-gali doonno madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyadda kale ee dalka, iyadoona maalintii shalay uu magaalada Cadaado gaaray wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid “Juxa” iyo xubno isaga la socday.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in xafladda caleemo saarka madaxweyne Xaaf ay si toos ah u bilaabato, iyadoona ammaanka goobta xafladaasi ka dhaceeyso si weyn loo adkeeyay.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in xilliyadda soo socdo uu gaaro magaalada Cadaado, si uu uga qeyb-galo xafladaas.

Waa markii seddaxaad uu madaxweyne Farmaajo booqasho ku tago magaalo ka mid ah gudaha dalka Soomaaliya, iyadoona hore uu booqasho kala duwan ku kala tagay magaalooyinka Afgooye iyo Baydhabo oo ka kala tirsan gobolada Sh/hoose iyo Bay.

Magaalada Cadaado waxaa weli ku qul-qulaya marti sharafta ka qeyb-gali lahayd xafladaas.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!