Nin ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Ciidamada nabad sugidda qaranka ee NISA ayaa maanta gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay nin ku hubeysnaa bistoolad islamarkaana qof rayid ah ku dhex dilay suuqaasi.

Meydka ninkaasi la dilay oo weli yaalla agagaarka masjidka daawada ee suuqa Bakaaraha ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa kooxda Al-shabaab.

Ninkaasi ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa khaarijinta dadka, kaas oo muddooyinkii ugu dambeysay dilalka ka waday magaalada Muqdisho.

Saraakiisha nabad sugidda qaranka ee NISA ayaa warbaahinta Bulshoweyn u sheegay in ciidankooda ay dileen nin ku hubeysnaa bistoolad, islamarkaana qof shacab ah ku dilay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Illaa iyo haatan ma jiro faah-faahin intaasi dheer oo ay saraakiisha nabad sugidda ka bixiyeen dilka ninkaas.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!