Wararkii ugu dambeeyay kullan deg-deg ah oo ay maanta yeesheen golaha wasiiradda

Golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kullan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khadar), iyadoo ra’iisul wasaaraha uu kusoo biiray shirka intuu socday oo uu dar-daaran u jeediyey wasiirada, waxaana arrimaha kullanka looga hadlay ka mid ahaa dardar-gelinta hindise sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha dowladda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda dardar-gelinta shuruucda dalka bacdamaa ay dowladaan tahay tii sharciga iyo shacabka, shacabkana ay naga sugayaan waxqabad dhan walba ah.

Golaha ayaa dhageystay warbixino ku aadan shuruucda ay gacanta ku hayaan wasaaradaha qaar, si loogu sii diyaar garoobo oo golaha wasiirada ay u ansixiyaan ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka.

Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin, hindise sharciyeedyadaas oo ay ka mid yihiin;

1. Isgaarsiinta
2. La Dagaalanka Musuqmaasuqa
3. La-Dagaalanka Argagaxisada
4. Runta & Dib u Heshiisiinta
5. Dawladaha Hoose
6. Dambiyada Kufsiga
7. Muwaadinimada
8. Dadka Baahiyaha Gaarka qaba
9. Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada
10. Badda
11. Kheyraadka Biyaha
12. Tamarta
13. Maareynta Maaliyada
14. Istaatiistikada
15. Xeerka Saxaafada
16. Waxbarashada
17. Nidaamka Hay’adaha Samafalka
18. Sharciga Beeraha
19. Gudiga Muftida Culumada

-DHAMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!