Askari dad barakacayaal ah ku rasaaseeyay degmada Kaxda oo gacanta lagu dhigay

Maamulka degmada Kaxda ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigeen askari ka tirsan ciidamada maamulka degmadaasi oo maalintii shalay rasaas ku furay dad masaakiin ah oo raashin bisil loogu qeybinaayay xero ku taalla degmadaas.

Askarigaasi la qabtay ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa illaalada guddoomiyaha Waaxda Cumar Fiyaasko ee degmada Kaxda Zakariye Cabdi Cilmi, wuxuuna xilligaasi illaalo ka ahaa goob raashinka loogu qeybinayay dadka abaaraha kasoo barakacay.

Rasaasta uu askarigaasi furay ayaa la sheegayaa inay ku timid, kadib markii buuq aad u xoogan uu ka dhacay goobta raashiinka loogu qeybinaayay dadkaasi barakacyaasha ahaa, iyadoona ay taasi keentay in askariga qoriga lala qabsado, kadibna uu isna rasaasta furo.

Inta la xaqiijiyay waxaa rasaastaasi ku dhaawacmeen illaa seddax qof oo labo ka mid ah ay yihiin haween, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inay haatan gacanta ku haayaan askarigii rasaastay ku furay dadkaasi barakacayaasha ah, islamarkaana sharciga lagu qaadi doonno.

“Walaaloow xero raashiin loogu qeybinaayay barakacayaal ah ayaa buuq ka dhacay, qaar ka mid ah dadkaasi ayaa markaasi qoriga kula dhagay mid ka mid ah askartii illaalada ka ahayd goobtaasi, wuxuuna askarigaasi furay rasaas oo ay ku dhaawacmeen seddax qof, mana jirto wax dhimasho ah oo rasaastaasi ka dhalatay, dadka dhaawaca ahna waxaa la geeyay isbitaal Madiina, sidoo kale waxaa haatan gacanta lagu haayaa askarigii falkaasi geystay” Sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi.

Dhinaca kale, warar madax banaan ayaa sheegaya in rasaastaasi ay ku geeriyootay illaa 3 qof, iyadoona 6 kale ay ku dhaawacantay, inkastoo guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda uu beeniyay inay jirto dhimasho ka dhalatay rasaasta uu askarigaasi furay.

error: Content is protected !!