Howlihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho oo dib u bilawday (SAWIRO)

Waxaa haatan dib u bilawday howlihii sida caadiga ahaa uga socday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii saakay uu hakad galay muddo saacado ah.

Diyaarad ay leedahay shirkadda Bancroft oo qaabilsan la tallinta dhinaca amniga ee AMISOM ayaa saakay kusoo dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay lugaha u bixi waayeen.

Diyaaradaasi oo in muddo ah taallay jidka ay diyaaraduhu ku cararaan ee garoonka Aadan Cadde ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay in goobtaasi laga qaado burburkeeda.

Dhinaca kale, saraakiisha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in garoonka uu haatan caadi ah u shaqeeynayo.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa inay garoonka kasoo degaan diyaarado saacadihii ugu dambeysay ku xayirnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Diyaarada saakay ku dhacday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa inay waday xamuul (CARGO), waxayna kasoo duushay garoonka diyaaradaha Entebe oo ku yaalla magaalada Kampala ee dalka Uganda.

error: Content is protected !!