Wararka ugu dambeeyay diyaarad kusoo dhacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho (SAWIRO)

Diyaarad ay leedahay shirkadda Bancroft oo qaabilsan la talinta dhinaca amniga ee AMISOM ayaa maanta kusoo dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay lugaha u bixi waayeen.

Diyaaradaasi oo in muddo ah dul wareegaysay hawada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa markii dambe si qasab ah loogu dejiyay garoonka, iyadoona uu burbur aad u xoogan soo gaaray.

Illaa 4 qof oo xilligaasi saarneyd diyaaradda ayaa la sheegayaa in lasoo bad-baadiyay, waxaana dadkaasi ku jiray saraakiil ajanabi ah.

Waxaa gebi ahaan hakad la geliyay howlihii ka socday garoonka Aadan Cadde, iyadoona diyaaradihii xilligaasi imaan lahaa garoonka ama ka bixi lahaa dib u dhac uu ku yimid.

Ma jiro wax qasaare ah oo ka dhashay diyaaradaasi, marka laga reebo burburka xoogan ee soo gaaray.

Dhawaan ayay ahayd markii diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines ay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo degi weysay, kadib markii ay lugaha u bixi waayeen sababo la xiriiray cimiladda oo xumeed awgeed, inkastoo dhowr maalmood kadib ay u suurta-gashay inay kusoo degto garoonka.

error: Content is protected !!