Beyle “Waxaan diidnay in lacagtii gunooyinka ahaa oo inta kiishka lagu qaato dadka loo qeybiyo..” (SAWIRO)

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta shaaca ka qaaday in 60-kii maalmood ee ugu dambeysay ay xukuumadda sameeysay dadaal lagula dagaalamayo musuq-maasuqa, taas oo ugu dambeyn suurta-galisay in la kordhiyo dakhliga soo gala dowladda Soomaaliya.

Wasiir Beyle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dakhliga kasoo xerooda dekadda Muqdisho uu markii hore ahaa $150,000 maalintii, balse uu haatan gaaray $300,000, taasina ay ku timid kormeero joogto ah iyo isbedello lagu sameeyay waaxda canshuuraha dalka.

“Waxaa xilka la wareegay 1-da bishii April, 2017, waxaana mudadaas yarta ah ku guuleysanay inaan kor u qaadno dakhliga kasoo xaroodo dekedda Muqdisho, halka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde uu kor u kacaya 30% lacagtii soo xaroon jirtay, taasna waxaa sabab u ah isbedalada aan ku sameeynay iyo sidaan ugu diyaar garoownay la dagaalanka musuq-maasuqa, waxaan sidoo kale rajo badan ka qabnaa in aan sii kordhino waqtiyada dhow, waxaase lagama maarmaan inaan wada shaqeyn ka helno shacabka Soomaaliyeed” Sidaas waxaa yiri Wasiir Beyle.

Dhinaca kale, wasiir Beyle ayaa sheegay inay diideen lacagaha in lagu bixiyo si kaash ah, islamarkaana ay soo rogeen qaabab cusub oo lagu illaalinayo habsami u bixinta canshuuraha dalka.

“Waxaan diidnay in lacagtii gunooyinka ahaa oo inta kiishka lagu qaato dadka loo qeybiyo, taas oo aan ka mid aheyn nidaamka isla xisaabtanka iyo hufnaanta, qof walba oo dowlada lacag ka qaata, waxaan u sameynay Bangi xisaabeed ay lacagtiisu ku dhacdo” Ayuu hadalkiisa raaciyay wasiir Beyle.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa imaanaya xilli dowladihii ka horeeyay tan haatan uu hoggaaminaayo madaxweyne Farmaajo lagu eedeeyay inay lunsatay lacago badan oo kasoo xaroon jiray canshuuraha laga qaado dekedda iyo garoonka Muqdisho.

error: Content is protected !!