Cumar Faaruuq Cismaan oo lagu wargeliyay inuu yimaado xafiiska xeer illaalinta guud ee Qaranka

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday xafiiska xeer illaalinta guud ee Qaranka ayaa lagu amray Cumar Faaruuq oo sheegta inuu yahay hoggaamiyaha ururka saxafiyiinta Soomaaliyed ee NUSOJ inuu 31-ka bishaan ku yimaado xafiiskaasi, si wax looga weydiiyo eedeymo loo haysto.

Eedeeymahaasi loo haysto Cumar Faaruuq ayaa waxaa ka mid ah;

1- In 3-da bisha May ee 2017-ka uu ogolaanshiyo la’aan shir ugu qabtay Hoteel Diplomatic oo ku yaalla magaalada Muqdisho

2- In 6-da bisha May uu soo saaray qoraal la sheegay inuu ku aflagaadeeyay wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, kadibne uu qoraalkaasi faafiyay.

Xeer illaalinta guud ee Qaranka ayaa ku amartay Cumar Faaruuq inuusan kadib dhicin ballanta loo qabtay, waxaana arrinta weyn ee la isku heysto ka mid ah dood iyo is qab-qabsi soo taxnaa muddo dheer oo ku saabsan cidda hoggaamiyaha sharciga ka ah ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

error: Content is protected !!