DEG DEG:- Fahad Yaasiin oo loo magacaabay aggaasimaha madaxtooyada Soomaaliya

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa aggaasimaha guud ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya loogu magacaabay Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin oo hore u ahaa wariye kasoo shaqeeyay teleefishinka Al-Jazeera qeybta afka Carabiga ayaa ah shaqsi xiriir dhaw la leh dowladda Qadar, wuxuuna ahaa maal-gelihii ugu weynaa ee ololaha doorashadii uu kusoo baxay madaxweynaha haatan xilka haaya Maxamed C/laahi Farmaajo.

“Waxaan xilka agaasimaha guud ee madaxtooyada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday, waxaana Eebe uga baryayaa inuu mas’uuliyaddaan culus u fududeeyo.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa aggaasimihii hore ee madaxtooyadda Soomaaliya Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) uga mahad-celiyay sida uu xilka u gutay mudadii uu xilkaasi soo haayay, wuxuuna madaxweynaha ku tilmaamay in Abuukar Baalle uu ahaa shaqsi waqti badan galiyay u adeegidda dalkiisa iyo dadkiisa.

Waa markii seddaxaad uu madaxweyne Farmaajo isbedel ku sameeyo aggaasinka xarunta madaxtooyadda Soomaaliya tan iyo markii xilka loo doortay 8-da bisha Febraayo ee 2017-ka, waxayna tani muujineysaa siyaasadda aan salka lahayn ee heysata madaxweynaha Soomaaliya.

error: Content is protected !!