DEG DEG:- Nabadoon Maxamed Sheekh Abuukar oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa daqiiqado kahor degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dishay nin nabadoon ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Sheekh Abuukar.

Dilka nabadoon Maxamed Sheekh Abuukar ayaa la sheegayaa inay ka dambeeyeen koox ku hubeysnaa bistoolado, iyagoona dilka kadib goobtaasi isaga baxsaday.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa islamarkiiba soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo howlgalo baaritaano ah halkaasi ka sameeyay.

Allaha u naxariistee, Nabadoon Maxamed Sheekh Abuukar ayaa la sheegayaa in la dilay xilli uu maraayay agagaarka buundada Ansalooti ee degmada Waaberi.

Illaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka nabadoon Maxamed Sheekh Abuukar, wuxuuna dilkiisa kusoo beegmayaa xilli saacado kahor degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho lagu dilay G/Sare C/laahi Cilmi Nuur oo ka tirsanaa saraakiisha waaxda caafimaadka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa soo batay kooxo burcad ah oo magaalada Muqdisho ka geysta dil, dhac iyo dhibaatooyin kale oo aad u baahsan.

error: Content is protected !!