DEG DEG:- Sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysan bistoolado ayaa daqiiqado kahor xaafadda Silliga ee degmada Wadajir ku dishay sarkaal ka tirsanaa waaxda caafimaadka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalkaan la dilay oo lagu magacaabi jiray G/sare C/laahi Cilmi Nuur ayaa la sheegay in dhowr rasaas lagu dhuftay, xilli uu maraayay degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Silliga.

Kooxihii dilka u geystay sarkaalkaasi ayaa la sheegayaa inay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen, waxaana markii dambe halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo goobtaasi howlgalo baaritaano ah ka bilaaabay.

Illaa iyo haatan ma jirto cid lagu soo qabtay baaritaankaas, iyadoona sidoo kale aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkaas.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo sarkaal ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya lagu dilo magaalada Muqdisho, wuxuuna dilka sarkaalkaan qeyb ka yahay dilalka joogtadda ah ee muddooyinkii ugu dambeysay ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!