Haweeney uur laheyd iyo seygeeda oo ku geeriyooday qarax ka dhacay buuraha Galgala

Wararka naga soo gaaraya togga Balikhadar oo u dhaw deegaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa shegaya in qarax halkaasi ka dhacay ay ku dhimatay haweeney uur laheyd iyo seygeeda oo xilligaasi la socday.

Qaraxaasi ayaa la sheegayaa inuu yimid kadib markii gaari ay labadaasi qof socdeen uu dul maray miino dhulka dhinaceeda lagu aasay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa u xaqiijiyay in qaraxaasi uu dhacay gelinkii dambe ee shalay, kahor inta aan la gaarin xilliga afurka ah.

Gaariga qarxay ayaa la sheegayaa inuu xilligaasi kusii jeeday dhinaca buuraha Galgala, iyadoona illaa iyo haatan aan la ogeyn cidda rasmiga ah ee qaraxaasi bartilmaameedkiisu ahaa.

Inta badan deegaanadda ku yaalla agagaarka buuraha Galgala ayaa dhowr jeer hore waxaa ku dagaalamay ciidamada maamulka Puntland iyo dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab, inkastoo qaarkood ay hore u sheegeen inay ku biireeen kooxda ISIS.

error: Content is protected !!