Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan

Sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Bishaar Muumin Faarax ayaa la sheegayaa inuu isku soo dhiibay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Wasiirka warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in sarkaalka isa soo dhiibay uu Al-shabaab uga howlgeli jiray gobolka Mudug, wuxuuna xiriir lasoo sameeyay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan.

Warar kale ayaa sheegaya in Bishaar Muumin Faarax uu ahaa ku-xigeenka Xarakada Al-shabaab qeybta jabhada ee gobalada Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/dhexe.

Dhinaca kale, taliyaha guutada 52-aad ee ciidamada Soomaaliya Jeneraal Maxamed Axmed Tereedisho oo wareysi siiyay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliya ayaa sheegay in markii uu sarkaalkaan isa soo dhiibayay uu watay labo qori oo AK-47 iyo rasaas badan.

Illaa iyo haatan ma jirto hadal kasoo baxay saraakiisha kale ee ka tirsan Al-shabaab, kaas oo ay kaga hadlayaan sarkaalkaan iyaga ka tirsanaa oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan qeybta gobolka Hiiraan.

error: Content is protected !!