Dagaalyahanadda Al-shabaab oo weerar iyo afduub ka geystay dalka Kenya

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa habeenkii xalay weerar xoogan ku qaaday deegaanka Faafi oo ka tirsan magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Weerarkaasi ayaa la sheegayaa inay dagaalyahanadda Al-shabaab ku burburiyeen xarun isgaarsiin oo ay leedahay shirkadda Safaricom, waxaana ay sidoo kale hore usii afduubteen 2 qof kale oo la sheegay inay macalimiin ahaayeen.

Illaa iyo haatan lama ogo qasaaraha kale ee ka dhashay weerarkaasi marka laga reebo afduubka labadaasi macalimiin iyo burburka xarunta isgaarsiinta shirkadda Safaricom ee deegaanka Faafi.

Dhinaca kale, ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Kenya oo ay kaga hadlayaan weerarkaan iyo afduubka labadaasi macalimiin.

Xaaladda deegaanka Faafi ee magaalada Garissa ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana deegaankaasi weli ku sugan ciidamada Kenya oo howlgalo baaritaano ah weli ka wada.

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeysay weeraro joogto ah kusoo qaadayey gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanadda ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, waxaana inta badan weeraradaasi ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

error: Content is protected !!