DEG DEG:- Gaari ay leeyihiin ciidanka AMISOM oo haatan ku gubanaya isgoyska KM-4 (SAWIRO)

Gaari noociisu yahay kuwa gaashaaman oo ay leeyihiin ciidanka AMISOM ayaa haatan ku gubanaya isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, iyadoona aan la ogeyn sababta keentay gubashadiisa.

Ciidamadii saarnaa gaariga gubanaya ayaa la sheegayaa inay si deg deg ah gaariga uga degeen, iyadoona islamarkiiba la xiray dhamaan wadooyinka gala isgoyska KM-4, halkaas oo ah jid aad u mashquul badan.

Gaariga dabka qabsaday ee AMISOM ayaa weli gubanaya, waxaana dadka shacabka ah loo diiday inay u dhawaadaan goobtaasi, iyadoona laga cabsi qabo inay qaraxyo ka dhashaan qalabka iyo hub saaran gaariga.

Gaadiidka dab-damiska ayaa haatan soo gaaray goobta uu gaariga ku gubanayo, waxaana lala tacaalayaa daminta dabkaas.

Dhinaca kale, goobta uu haatan gaariga ku gubanayo ayaa laga maqlayaa rasaas goos-goos ah oo ay ridayaan ciidmada AMISOM ku ridayaan dadka shacabka ah.

Xaaladda isgoyska KM-4 ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana gebi ahaan xirmay isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee halkaasi ka jiray.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!