Qaramada Midoobay oo soo dhaweeysay heshiiskii ay kala saxiixdeen Gaas iyo Xaaf

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay dhawaan magaalada Cadaado ku kula saxiixdeen madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo kan Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ee maamul goboleed loogu ammaanay heshiiska cusub oo ay dhawaan kala saxiixdeen, waxaana labadaasi mas’uul loogu baaqay inay heshiiskaasi dhaqan-geliyaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan nabadda.

“Waxay beesha caalamka soo dhaweyneysaa heshiiska nabadeed oo ay gaareen labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug, waxaa haatan loo baahan yahay in labada dhinac ay dhaqan-geliyaan heshiiskaas, anagane waxaan ka shaqeynaynaa inaan qeybteena ka qaadano heshiiskaas islamarkaana aa labada dhinac ku dhiira gelino” Sidaas waxaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Michael Keating.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa 30-kii bishii hore ee May heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxayna labada dhinac ku heshiiyeen in xal kama dambeys ah laga gaaro dhibaatada iyo colaadda soo noq-noqatay ee magaalada Gaalkacyo.

error: Content is protected !!