Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska ee magaalada Burco oo la dhaawacay

Taliye ku-xigeenkii ciidanka booliska ee magaalada Burco Aadan Xuseen ayaa la sheegayaa in habeenkii xalay lagu dhaawacay gudaha magaaladaasi.

Dhaawaca taliye ku-xigeenka ayaa la sheegayaa inay ka dambeeyeen koox la sheegay inay ka ganacsadaan khamriga, kuwaas oo doonayay inay magaalada Burco si xoog ah ku geliyaan khamriga.

Taliye ku-xigeenka oo isku dayay inuu arrinkaasi ka hortago ayuu kooxdaasi kala kulmay rasaas ay kusoo fureen, iyadoona rasaastaasi uu taliye ku-xigeenku ku dhaawacmay.

Kooxihii dhaawaca u geystay taliye ku-xigeenka ayaa la sheegayaa inay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen, iyadoona ciidamada booliiska ee magaalada Burco ay howlgalo baaritaano ah ka sameeyeen xaafadaha ku yaalla magaaladaas.

Illaa iyo haatan ma jiro cid baaritaankaasi lagu soo qab-qabtay, waxaana in muddo ah xaalad kacsanaan iyo jahwareer ah ka jirtay magaalada Burco, inkastoo markii dambe ay xaaladdu caadi kusoo noqotay.

error: Content is protected !!