Axmed Daaci oo markale ka hadlay hub ka dhigista dowladda ee Muqdisho (DHAGEYSO)

Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo dhawaan ka hor yimid howlgalka amniga ee ka socda caasimadda dalka ayaa sheegay inaysan sax ahayn qaabka ay dowladda hubka uga uruurinayso magaalada Muqdisho.

Axmed Daaci oo wareeysi siiyay idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in dowladda uu hoggaaminaayo madaxweyne Farmaajo ay lasoo baxday wax aan laga fileyn, isagoona dowladda ku eedeeyay inay u dhaqmeyso si aan loo dulqaadan karin.

Dhinaca kale, Axmed Daaci ayaa sheegay in go’anka hub uruurinta uu yahay mid halis gelin kara nolosha mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya, isagoona arrinkaasi ku macneeyay inay tahay mid Al-shabaab loogu fududeeynayo qaarajinta mas’uuliyiinta dowladda.

Ugu dambeyntii, Axmed Daaci ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in marka hore ay hub ka dhigis ku sameeyso Al-shabaab, kadibne ay markaasi hubka kale uruuriso.

“Marka hore dowladda hub ka dhigis haku sameeyso tuugadda iyo kuwa ka tirsan Al-shabaab, maxaa yeelay halkee looga ammaan helaa dadkaasi hadii la mamnuuco hubka lagu illaalinaayo mas’uuliyiinta dowladda, hubka mas’uuliyiintaasi hadii uu yahay mid sharci darro ah waa in la qabtaa, balse hadii uu hub sharci ah yahay in la qaado sax ilama ahan” Ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Daaci.

error: Content is protected !!