Ciidamada xasillinta Muqdisho oo gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Howlgal ay ciidamada xasillinta ammaanka ee magaalada Muqdisho xalay ka sameeyeen xaafadaha ku yaalla gobolka Banaadir ayaa waxay kusoo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalkaasi ayaa la sheegayaa inuu xalay ka dhacay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale howlgalkaasi lagu soo xiray dad fara badan oo kor u dhaafaya illaa 200 oo qof.

Laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay haatan sii daayeen inta badan dadkii howlgalka xalay lagu soo qabtay, balse ay weli gacanta ku haayaan sarkaalka la sheegay inuu ka mid ahaa Al-shabaab iyo qaar ka mid ah dadkii kale ee lasoo qabtay.

Illaa iyo haatan ma jiro wax faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxay laamaha amniga, kaas oo ay kaga hadlayaan baaritaanada lagu sameeyay dadkaasi iyo sarkaalka ka tirsan Al-shabaab.

Ciidanka xasillinta ammaanka magaalada Muqduisho ayaa howlgalo ka bilaabay magaalada Muqdisho bishan barakeysan ee Ramadaan, waxaana inta uu howlgalkaan socday ay ciidankaasi ka hortageen falal qaraxyo ah oo lagu doonayay in laga sameeyo magaalada, inkastoo dilalka qorsheysan uu magaalada kusoo kordhay.

error: Content is protected !!