Fahad Yaasiin Xaaji oo u amba baxay dalka Qadar iyo uljeedka safarkiisa oo la oggaaday

Aggaasimaha guud ee xarunta madaxtooyadda Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa la sheegayaa in habeenkii xalay uu u amba baxay magaalada Doha ee dalka Qadar.

Safarka Fahad Yaasiin ee magaalada Doha ayaa la sheegayaa inuu ku saabsan yahay mid uu ku doonayo inuu magaaladaasi uu kula kulmo madaxda dalkaasi Qadar iyo sidoo kale inuu sameeyo xil wareejin shaqadii uu hore uga haayay Teleefishinka Al-Jazeera xaruntiisu magaalada Doha.

Fahad Yaasiin ayaa xilkaan loo magacaabay 31-ka bishii hore ee May, wuxuuna xilkaan u magacaaban yahay muddo hal maalin oo kaliya, waxaana warar soo baxaya ay sheegayeen in dowladda Qadar ay kaallin weyn ku leheyd in Fahad xilkaas loo magacaabo.

Fahad Yaasiin oo hore u ahaa wariye kasoo shaqeeyay teleefishinka Al-Jazeera qeybta afka Carabiga ayaa ah shaqsi xiriir dhaw la leh dowladda Qadar, wuxuuna ahaa maal-gelihii ugu weynaa ee ololaha doorashadii uu kusoo baxay madaxweynaha haatan xilka haaya Maxamed C/laahi Farmaajo.

error: Content is protected !!