Diyaarad xamuul siday oo kusoo dhacday garoonka diyaaradaha ee Garbahaarey (DHAGEYSO)

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad xamuul ah oo u rarneyd hay’adda cunadda aduunka ee WFP ay maanta kusoo dhacday garoonka diyaaradaha magalaada Garbahaarey, kadib markii ay cilad soo wajahday.

Diyaaradaasi oo markeedii hore kasoo duushay magalaada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa saarnaa raashin isugu jiray boorish iyo buskut, kaas oo loogu talo galay dadka ay nafaqo daradda ku heysato deegaanada gobolka Gedo.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo magaalada Garbahaarey ayaa sheegaya in diyaaradaasi ay ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garbahaareey, islamarkaana qeyb kamid ah diyaaradaasi ay gubatay.

Mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Gedo ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in diyaaradaasi u rarnayd hay’adda WFP ay kusoo dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Garbahaarey, islamarkaana aysan jirin cid wax ku noqotay.

Sidoo kale, mas’uulkaasi ayaa sheegay in diyaarada ay markii hore ku dhacday guri ay degan yihiin dad rayid ah oo ku yaalla agagaarka garoonka Garbahaarey, kadibne ay usoo gudubtay garoonka, balse ayna cid wax gaarsiisay marka laga reebo inay ku gubatay garoonka Garbahaarey.

error: Content is protected !!