Nabadoon lagu afduubtay degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose

Nin nabadoon ah oo lagu magacaabo Siidow Axmed Shinbiroow ayaa la sheegayaa in habeenkii xalay laga afduubtay guri uu ka degan yahay degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose, kadib markii rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay gurigiisa ugu soo galeen.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aynu xiriir kala duwan la sameeynay ayaa inoo sheegay in Nabadoon Siidow la afduubtay, loona kaxeeystay dhinaca garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle ee gobolka Sh/hoose, balse aysan illaa iyo haatan garanayn afduubka loogu geystay.

Illaa iyo haatan lama oga cidda rasmiga ah ee afduubtay Nabadoon Siidow Axmed Shiriboow, kaas oo si weyn looga yaqaanay degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.

Dhinaca kale, xiriiro kala duwan oo aynu la sameeynay maamulka degmada Wanlaweyn ee dowladda Soomaaliya ayaanan inoo suurto galin, si aynu wax uga weydiino afduubka loo geystay Nabadoon Siidow Axmed Shinbiroow.

error: Content is protected !!