Taliska AMISOM oo ka hadlay weerar xalay ka dhacay saldhig ku yaalla deegaanka Kulbiyoow

Taliska AMISOM ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay weerar aad u culus oo ay dagaalyahanadda Al-shabaab habeenkii xalay ku qaadeen saldhig ay ciidanka AMISOM ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow ee gobolka J/hoose.

AMISOM ayaa beenisay wararka sheegaya in saldhiga deegaanka Kulbiyoow uu ka dhacay weerar aad u xoogan islamarkaana ay halkaasi muddo saacado ah la wareegeen dagaalyahanadda Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay ka jawaabeen labo madfac oo lagu soo riday oo kaliya, islamarkaana kooxihii soo riday madaafiicdaasi ee Al-shabaab ay u carareen dhinaca degmada Badhaadhe ee gobolka ee gobolka J/hoose.

Qoraalka AMISOM ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in arrintaasi ay yihiin kuwo been abuur ah, islamarkaana ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay xilli kasta ka shaqeynayaan nabad-gelyahadda inta lagu guddo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

error: Content is protected !!