Banaanbax haatan ka soconaya Muqdisho iyo ammaanka oo si weyn loo adkeeyay (SAWIRO)

Banaanbax aad u ballaaran islamarkaana lagu taageerayo munaasbadda 100-maalin guuradda kasoo wareegatay markii uu talada qabtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa haatan ka soconaya garoonka Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana dadka ka qeyb galaya ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee dowladda, kuwa maamulka gobolka Banaadir, iyadoo ammaanka goobta uu banaanbaxa ka dhacaayo ay ilaalo ka yihiin ciidamo aad u badan.

Sidoo kale, banaanbaxaan ayaa kusoo beegmayaa xilli magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeysay ay ka bilawdeen barnaamijka xasillinta ammaanka magaalada Muqdisho, kaas oo ah hub ka dhigis lagu sameeynayo dadka hubka sida sharci daradda ugu dhex wata magaalada.

Dhinaca kale, dadka banaanbaxa dhigaya ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin ereyo taageero loogu muujinaayo madaxweyne Farmaajo, islamarkaana loogu baaqayo bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan dowladda cusub.

Ugu dambeyntii, mas’uuliyiin ka hadashay goobta uu banaanbaxa ka soconaayo ayaa baaq culus u diray shacabka Muqdisho, iyagoona ugu baaqay inay la shaqeeyaan dowladda cusub, islamarkaana isku duubni la muujiyo.

error: Content is protected !!