DAAWO VIDEO:- Madaxweyne Farmaajo oo khudbad qiiro leh maanta ka jeediyay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb-galay banaanbax aad u ballaaran oo lagu xusaayay 100-maalin guuradda kasoo wareegtay markii uu taladda dalka qabtay.

Banaanbaxaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Banaadir Stadium ee magaalada Muqdisho ayaa kasoo qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dadweyne aad u badan oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana mas’uuliyiinta halkaasi khudbada ka jeediyay ka mid ahaa madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa ka sheegay in ballan-qaadyadii uu hore uga ballan-qaaday shacabka Soomaaliyeed inuu badankeeda fulliyay, isagoona tusaale usoo qaatay inuu soo magacaabay ra’iisul wasaare isaga ka fiican islamarkaana uu ra’iisul wasaarahaasi soo dhisay xukuumad tayo leh oo dalka wax ka qabata.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ballan-qaadyadda kale uu shacabka ka ballan-qaaday ay ka mid ahaayeen inuu ka hortagi doonno musuq-maasuqa baahsan ee dibka u dhigay aasaaska nolosha iyo horumarka dalka.

“Ballan-qaadyadii aa hore idinkugu jeediyay waxaa ka mid ahaa inaa idiin keeno ra’iisul wasaare fiican oo aniga iga wanaagsan, waana idiin keenay, wuxuuna ra’iisul wasaarahuna idiin ballan-qaaday inuu wasiiro isaga kasii fiican idiin keeno, wuuna idiin keenay, sidoo kale wixii aan ballan qaaday waxaa kow ka ahaa ammaanada, taas oo ah wixii aad inoo dhiibateen inaan si fiican idinkugu maamulno oo aan la dagaalanno musuq-maasuqa, waana idiin fulliyay ballantaas” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hanjabay askari kasta oo tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya inuusan waxyeelo u geysan karin qof shacab ah, haddii uu waxyeelo geysatana tiirka la geyn doonno.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Farmaajo ayaa caddeeyay in cadaaladda dalka lasoo celin doonno islamarkaana aanay marnaba loo dulqaadan doonin in dalka lagu dhaqo caddaalad darro, wuxuuna garsoorayaasha maxkamadaha dalka u sheegay in iyaga xitaa xabsi loo taxaabi doono haddii ay sharciga ku xad gudbaan.

error: Content is protected !!