Faah faahin:- Weerar argagaxiso ah oo xalay ka dhacay magaalada London ee dalka Britain (SAWIRO)

Illaa 6 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib labo weerar oo xalay saqdii dhexe ka kala dhacay magaalada London ee dalka Britain.

Weerarada ayaa mid ka mid ahi loo adeegsaday baabuur lagu jiirsiiyay dad maraayay buundada London Bridge oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada London ee caasimada dalka Britain.

Weerarka kale oo ay fulliyeen rag ku hubeysnaa tooreey ayaa lagu mindiyeeyey dad rayid ahaa, meel suuq ah oo aanan ka fogeyn halka uu ka dhacay weerarka baabuurka loo adeegsaday.

Ra’iisul wasaarahada dalka Britain Therasa May oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in weerarkan ay u tixgelinayaan mid argagixiso ah.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale waxay toogasho ku dileen 3 nin oo weerarkaasi looga shakisan yahay.

Xilliga ay howlgalada socdeen ayaa waxaa dadka shacabka loogu baaqay inaysan guryaha kasoo bixin inta laga xaqiijinaayo xaaladda.

Weerarada xalay ka dhacay magaalada London ayaa imaanaya xilli todobaadka soo socdo oo ku beegan 8-da bishaan June ay dalka Britain ka dhacayaan doorasho.

Muddo labo toddobaad ka yar ayay ahayd markii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday goob ay ka socotay xaflad oo ku taalla magaalada Machester ee dalka Britain, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 22 qof islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

error: Content is protected !!