Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka warbixiyay waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay jirtay (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo maanta ka qeyb galay banaanbax lagu taageerayay 100-kii maalmood ee ay jirtay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka hadlay labadii bilood ee ay jirtay xukuumadda uu hoggaamiyo iyo wax yaabihii u qabsoomay, waxaana uu si gaar ah diiradda ugu saaray midnimada iyo wadajirka ka dhaxeeya hay’daha sare ee Qaranka, kalsoonida shacabka, dhaqaalaha, amniga iyo abaarihii ka dhacay dalka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageeradda ay dowladda u haayaan, wuxuuna tilmaamay inay waajib tahay in bisha Ramadaan laga wada shaqeeyo danta guud ee dalka iyo dadka, gaar ahaan sugidda amniga, horumarinta caddaaladda, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo gar-gaarka dadka danyarta ah.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa soo hadal qaaday sida ay xukuumadiisa uga go’an tahay in caqabadaha jira looga gudbo iskaashi dhex mara guud ahaan hay’adaha dowladda iyo bulshoweynta Soomaaliyeed.

“Caqabadaha iyo dhibaatooyinka ina horyaala waa kuwa ragaaday, dowladda kaliyana wax kama qaban karto, waxaa loo baahan yahay in dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada doorkooda ka qaataan, gaar ahaan aqoonyahanada, culimadda, oday-dhaqameeyada, ururada samafalka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada, taas oo looga gudbi karo marka la helo midnimo, wadanino, wadashaqeyn iyo iskaashi dhex-mara dawladda iyo shacabkeeda”

Qorshaha xukuumadda saldhigga u ah mar uu ka hadlaayey ra’iisul wasaruhu ayuu tilmamay inay kamid yihiin:-

1) Ka-guul-gaarista xasiloonida guud ee dalka, gaar ahaan sugidda amniga iyo la dagaalanka nabad-diidka.
2) Dhisidda iyo meel-marinta cadaalad, garsoor hufan, karti, isla xisaabtan, daah-furnaan iyo ciribtirka musuq-maasuqa.
3) Kobcinta dhaqaalaha si loo ballaariyo wax-soo-saarka shaqo abuurka, maalgashiga iyo dib-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha kuwaas oo lagama maarmaan u ah la dagaalanka saboolnimada iyo xasiloonida darada dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha abaaraha ayaa yiri:-

“Wallow illaahey nooga raayay abaarihii iyo dhibkii, balse casharka aan ka baranay abaarta, wuxuu na tusayaa haddii aan isku tashano xukuumad iyo shacabba in aan ka hortagi karno aafooyinka abaaruhu keenaan, anagoo ka duulayna mowqifka ah inaan isku tashano, waxaa noo suurto-galay: In aan gaarsiino deeqaha gurmadka dalka oo dhan, mudadaas abaartu jirta waxaa la qeybiyey lacag dhan shan million oo dollar oo si hufan u gaaray dadka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in la wiiqay muddo kooban argagixisada, isagoona tilmaamay in la xakameeyey qaraxyadii iyo hubkii lagu sitay caasimadda.

“Howlgalkii ugu horeeyay ee la fulliyay waxaa lagu qabtay kooxo dhagar-qabayaal ah iyo hub sharci darro ah oo loo adeegsan jiray gumaadka shacabka, waxaan ku guuleysanay in ciidamo badan xeryahoodii lagu celiyo, waxaan kaloo qaadnay jidgooyooyin sharci darro ah” Ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay in mudadaas kooban ee ay jirtay xukuumaddu uu dalku gaaray horumaro la taaban karo haddii ay tahay dhaqaalaha oo sare u kacay iyo hannaanka maaliyadda oo dib loo saxay, islamarkaana la dardar-geliyey kobcinta iyo maareynta ilaha dakhliga, taas oo dhallisay inuu sara u kaco dhakhliga dawladda, laguna guuleystay bixinta mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!