Waraaqado digniin oo lagu daadiyay deegaano ka tirsan koonfurta Soomaaliya (AKHRISO)

Diyaarado aan la aqoon waxa ay yihiin balse loo maleeynayo inay yihiin kuwa ay leeyihiin Mareykanka ayaa waraaqado digniino ah ku daadiyay deegaanada ay haatan gacanta ku haayaan Al-shabaab ee ku kala yaalla gobolada J/dhexe iyo J/hoose.

Meelaha waraaqahaasi lagu daadiyay ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Jilib iyo Jamaame oo ka kala tirsan gobolada J/dhexe iyo J/hoose, waxaana la sheegayaa in waraaqahaasi ay ku qornaayeen farriimo ku socdo xubnaha ka tirsan Al-shabaab.

Fariimaha ku qornaa waraaqahaasi ayaa waxaa ka mid ah in xubnaha ka midka ah Al-shabaab ay ka faa’iideystaan cafiska 60-ka cisho ah ee uu madaxweyne Farmaajo u fidiyay xubnaha ka midka ah Al-shabaab.

Waraaqahaan digniinta ah ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan la filaayo in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay howlgalo ballaaran oo militeri ah ka fulliyaan deegaanada ay haatan gacanta ku haayaan dagaalyahanadda Al-shabaab.

error: Content is protected !!