Dowladaha Masar, Sucuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta oo xiriirka u jaray dalka Qadar

Dowladaha Masar, Sucuudiga, Baxreyn iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dowladda Qadar, kadib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto ururadda argagixisada ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa la sheegayaa inay durbadiiba xadkeeda ka xiratay dowladda Qadar, taasoo saameyneyso dhamaan isku socodkii ganacsi ee dhulka, biyaha iyo hawadaba.

Sidoo kale, diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradaha Qadar ee ku kala yaallaa afartaasi dal ayaa loo qabtay muddo 48 saac gudahood ah inay dalalkaasi uga baxaan.

Illaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Qadar, kaas oo ay kaga jawaabayso go’aankaan culus ee kasoo baxay afartaan dal ee Carbeed oo qaarkood ay mar saaxiibo dhaw ahaayeen.

Dowladda Qadar ayaa hore u taageeri jirtay madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo ka mid ah xisbiga Akhwaanul Muslimiinka, waxayna Qadar sidoo kale cambaareysay inqilaabkii uu madaxweyne Sisi ku sameeyay dowladii Mursi.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay gebi ahaan dalkooda ka mamnuuceen teleefishinka Al-jazeera ee xaruntiisa weyn ku taallo magaalada Doha ee dalka Qadar.

Dhinaca kale, wakaaladaha wararka ee dalka Qadar ayaa hore u baahiyay war ah in Amiirka Qadar uu taageeray Iiraan, inkastoo markii dambe dowladda Qadar ay warkaasi beenisay.

error: Content is protected !!