Dowladda Turkiga oo Soomaaliya usoo dirtay markab weyn oo sida deeq kala duwan (SAWIRO)

Markab aad u weyn islamarkaana sida deeq kala duwan ayaa maalintii shalay kasoo ambabaxay dekedda Tasucu oo ku yaalla gobolka Mersin ee koonfurta dalka Turkiga, kaas oo kusoo wajahan dekedda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Deeqdaan markab oo ay soo dirtay dowladda Turkiga ayaa ah mid loogu talla-galay Soomaaliya, waxayna ka kooban tahay deeq gaaraysa illaa 13,000 tan oo isugu jira cunto iyo gargaar bini’aadanimo.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Veysi Kaynak oo ka qeyb-galay xaflad sagootin ah oo markabkaasi loo sameeyay ayaa sheegay in dowladda Turkiga aysan kaliya gargaar ku caawineynin Soomaaliya, balse mashaariic kala duwan oo horumarineed ay ka wadaan Soomaaliya, islamarkaana ay tababari doonaan ciidamada ammaanka si loola dagaalamo argagixisada.

Waa gargaarkii ugu badnaa oo ay dowladda Turkiga usoo dirto dalka Soomaaliya, iyadoona ay xusid mudan tahay in diyaarinta markabkaan ay iska kaashadeen Bisha Cas ee Turkiga, hay’adda TIKA iyo hay’adda kale ee AFAD.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida aadka ah u taageera shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, waxayna Turkiga dalka Soomaaliya ka fulliyeen mashaariic fara-badan oo aan inta lagu soo koobi karin.

error: Content is protected !!