Faah faahin:- Qarax miino oo saakay lagu weeraray saldhiga ciidanka booliska ee magaalada Kismaayo

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax miino oo saakay lagu weeraray saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamo boolis ah, kaas oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Qaraxaasi ayaa la sheegayaa inuu ku geeriyooday sarkaal ka tirsan ciidanka booliska ee saldhigaasi ku sugnaa, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacantay 20 kale.

Askarta la qarxiyay ayaa la sheegayaa inay ahaayeen ciidamo ka tirsan booliska, gaar ahaan kuwa baambeeyda iyo muusikadda ee loo diyaarinayay soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo dhawaan kusoo wajahan magaalada Kismaayo.

Sarkaal katirsan ciidanka booliiska ee Kismaayo ayaa sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid lagu aasay dhabarka dambe ee saldhiga, balse uusan ahayn mid ka dhacay gudaha saldhiga, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaa

Dhinaca kale, ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland ayaa la sheegayaa inay haatan magaalada Kismaayo ka wadaan howlgalo baaritaano ah, iyadoona xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ay kacsan tahay.

Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxweyne Farmaajo uu booqashadiisa ugu horeeysay tan iyo markii xilka loo doortay ku taggo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

error: Content is protected !!