Koox hubeysan oo rasaas ku furtay dad barakacayaal ah oo raashiin loo qeybinaayay

Koox hubeysan ayaa la sheegayaa inay rasaas ku fureen dad barakacayaal ah oo raashin loogu qeybinaayay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Rasaastaasi ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tiradda ku waxyeelowday rasaastaas.

Dadka la rasaaseeyay ayaa la sheegayaa inay ahaayeen dadkii kasoo barakacay abaaraha gobolada dalka, waxaana la sheegayaa in xilligii rasaasta lagu furaayay ay saf dheer ugu jireen raashiin deeq ah oo halkaasi loogu qeybinayay.

Kooxihii falkaasi geystay ayaa la sheegayaa inay goobta isaga baxsadeen, waxaana goobtaasi markii dambe soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee degmada Balcad oo howlgalo halkaasi ka sameeyay.

Illaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Balcad, kaas oo ay kaga hadlayaan rasaasta ay kooxaha hubeysan ku fureen dadkaasi barakacayaasha ah.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!