Madaxweyne Gaas oo magacaabay wasiiro, wasiir ku-xigeeno iyo wasiiru dowlayaal cusub (AKHRISO)

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay wasiiro, wasiir ku-xigeeno iyo wasiiru dowlayaal cusub, isagoona sidoo kale xil ka qaadis ku sameeyay mas’uuliyiin hore uga ka tirsanayd maamulkiisa.

Magacaabista wasiiradaan cusub ee madaxweyne Gaas ayaa ahayd mid lama filaan ah, waxaana liiska xubnaha la magacaabay ay kala yihiin sida soo socoto:-

1.  C/raxmaan Barkhad Warsame waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda warfaafinta, hidaha iyo dhaqanka.

2.  C/khadar Faarax Shaaciye waxaa loo magacaabay wasiirka dib u dhiska iyo horumarinta.

3.  Maxamuud Faarax Beeldaaje waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda.

4.  Yaasiin Cabdi Seed waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada.

5.  C/rashiid Cali Geele waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda amniga.

6.  C/salaan Bashiir C/salaan waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda.

7.  C/fitaax Xasan Xuseen (Waloore) waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka.

8.  Aamina Maxamed C/laahi waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista hawada iyo garoomada.

9. C/weli Maxamed Yuusuf waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda howlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka.

error: Content is protected !!