Koox hubeysan oo saakay nin timo-jare ah ku dilay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa saakay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho ku dishay nin dhalinyaro ah la sheegay inuu ahaa Timo-Jare, kaas oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan Maxamuud.

Dilka ninkaasi ayaa la sheegayaa inay ka dambeeyeen labo nin oo ku hubeysnaa bistoolado, iyagoona dilka kadib goobtaasi isaga baxsaday.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa islamarkiiba soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo howlgalo baaritaano ah halkaasi ka sameeyay.

Allaha u naxariistee, Xuseen Xasan Maxamuud ayaan la ogeyn sababta loo dilay, iyadoona ay soo baxayaan warar sheegaya in marxuumka la dilay mudooyinkii ugu dambeysay loo hanjabayay.

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa magaalada Muqdisho kusoo batay kooxo burcad ah oo dadka u geysta dhac iyo dhibaatooyin kale.

error: Content is protected !!