Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo (SAWIRO)

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maanta iyo beri kormeer ku tago dekedda Kismaayo iyo xarumaha ay degan yihiin ciidamada isku dhafka ee dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horeeysay uu madaxweyne Farmaajo booqasho ku tago magaalada Kismaayo, tan iyo markii xilka loo doortay 8-da bisha Febraayo ee 2017-ka.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Farmaajo uu safar kala duwan ku kala bixiyay magaalooyinka Baydhabo, Cadaado iyo Afgooye,¬†halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula soo qaatay mas’uuliyiinta iyo waxgaradka ku sugan halkaas.

error: Content is protected !!