Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta kormeeray howlaha shaqo ee ka socota dekedda (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey dekedda Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyey wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Marwo Maryan Aweys, Maareeyaha dekada Muqdisho iyo dhammaan shaqaalaha ka howlgala, wuxuna mid mid u booqdey xafiisyada ay ku howl-galaan shaqaalaha dekedda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maamulka dekadda kala hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa shaqada, loona horumarin lahaa dekedda Muqdisho, sidoo kalena waxuu la sheekeestey ganacsatada alaabta kala soo dageysey dekadda, isagoona ka wareystey sida loola dhaqmo marka ay usoo degayaan badeecooyinka, wuxuuna maamulka dekadda ugu baaqey inay ilaaliyaan xariirka ganacsatada, loona fududeeyo sidii ay ganacsigooda hab nidaam ah u mari lahaa.

“Waa inay helaan ganacsatada Soomaaliyeed qadarin gooniya si loo dareensiiyo iney dalkaan iyagu leeyihiin, taasina waxaa keeni karta iyadoo loo fududeeyo ganacsigooda” Ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kormaarkani u noqonayaa markii shanaad ee uu booqdo dekadda, wuxuuna maamulka iyo shaqaalaha kula dardaarmey inay nidaam caddaalad ah ugu shaqeeyaan bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay iska ilaaliyaan wax walba oo keeni kara musuq-maasuq.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!