DEG DEG:- Koox hubeysan oo nin ganacsade ah ku dilay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Koox ku hubeysan bistoolado ayaa daqiiqado kahor suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta daawada lagu iibiyo ku dishay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Maxamed Dheere.

Ninkaasi ayaa la sheegayaa in la dilay xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi, wuxuuna ka mid ahaa ganacsatada caanka ah ee ka shaqeysata suuqaas.

Illaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee loo dilay ninkaasi ganacsadaha ah, iyadoona kooxihii dilka geystay ay islamarkiiba ka baxsadeen goobtaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo soo gaaray goobta uu falkaasi dilka ah ka dhacay ayaa howlgalo baaritaano ah halkaasi ka sameeyay, mana jirto cid baaritaankaasi lagu soo qabtay ama sheegatay mas’uuliyadda dilka ninkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa haatan u muuqda inay kordhiyeen falalka khaarijinta dadka ah, kadib markii culeys kasoo food saaray howlgallo ay ciidamada xasillinta ammaanka Muqdisho ka bilaabeen degmooyinka gobolka Banaadir.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!