DEG DEG:- Xildhibaanad Samiira oo ka badbaaday qarax miino oo lagu qaarjin lahaa

Qarax aad u xoogan islamarkaana uu noociisu yahay miinada dhulka lagu aaso ayaa daqiiqado kahor ka dhacay agagaarka xaruntii C/qaasim Salaad Xasan ee ku taalla degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa la sheegayaa in lala eegtay gaari ay la socotay xildhibaanad Samiira Cabdulle oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanad Samiira ayaa la sheegayaa inay qaraxa ka badbaaday, balse waxaa la sheegayaa in mid ka mid ah askartii illaalada u ahayd uu qaraxa ku dhaawacmay.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in qaraxaasi uu ku dhaawacmay wiil dhalinyaro ah oo xilligaasi marayay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa weli kacsan xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana howlgalo baaritaano ah halkaasi haatan ka wada ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa NISA.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!