Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo la shaahay bulshada reer Kismaayo (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa habeenkii xalay dad shacab ah kula shaahay bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bulshada Kismaayo ka xog wareystay xaaladaha ay ku sugan tahay magaalada Kismaayo, isagoona sidoo kale qaarkood uga jawaabay su’aalo la xiriira hanaanka siyaasadeed ay haatan wajahayso dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa bulshada reer Kismaayo ku bogaadiyay nabada iyo kala dambeynta ka jirta magaaladooda, wuxuuna xusay in nabada ka jirta magaaladaasi ay tusaale u tahay magaalooyinka kale oo ay ka jiraan dhibaatooyinka nabadgelyo la’aanta ah.

error: Content is protected !!