Puntland:- Midnimo ku xiran sadbursi ama ku goodin go’id

Maqaal uu qoray aggaasimaha madaxtooyada federaalka Fahad Yaasiin

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo madaxweyne Farmaajo dhawaan u magacaabay aggaasimaha madaxtooyadda federaalka waa nin cadaawada uu u qabo nidaamka federaalnimo, oo keentay inuu cadaawad xad dhaaf ah Puntland u qaado, wuxuuna sanadkii 2014kii Nov, 20-keedii maqaal uu ku daabacay Aljazeera barteeda Carabiga in DOWLADA PUNTLAND ay lamid tahay KURDIDA CIRAAQ, isagoo maqaalkiisaas si weyn ugu weeraray awoodaha Puntland u madax banaan tahay, isagoona ku tilmaamay ummada reer Puntland kuwa sida Kurdida Ciraaq doonaya inay mustaqbalka goostaan!

Dowlad goboleedka Puntland illaa laga soo bilaabo dhamaadkii sagaashameyadii ee qarniigii tagay wuxuu ahaa mid aan maamul ahaan hoos tagin xarunta dowlada dhexe ee Muqdisho, labada dhinaca (Dowlada dhexe iyo Dowlad Goboleedka Puntland) dadaalo ay sameeyeen si ay ugaaraan isfahan oo ay dhex-dhexaadinayeen dowladaha gobalka laguma guuleysan fullinta wixii lagu wada heshiiyay waxay noqtay mid aan ka qiima badnayn warqadii lagu qoray.

Taag-darida dowlada dhexe iyo damaca siyaasiyiinta Puntland ay u hanqal taagayaan bal mar uun Soomaaliya inteeda kale say uga go’i lahaayeen ayaa caqabad ku noqotay fullinta heshiisyada lawada galo.

Waxyaalaha la’ogaaday u kuur galid kadib waxaa ka mid ah in Puntland had iyo jeer si u la kac ah isku muujiso inay tahay dowlad ka madax-banaan Soomaaliya, waxay iska indha tirtaa inay qayb ka mida tahay Soomaaliya, waxaa laga yaabaa hab-dhaqankaasi inuu salka ku hayo sababna u yahay han-siyaasadeed oo gooni u ah siyaasiyiinta, ama waxaa ka loo dhici karta in arrintaa ku dhiira galinayaan Dowladaha gobalka , arintu sey ahaataba waxaan shaki ku jirin in maamuladii isaga danbeeyay xukunka ee dowlada dhexe awoodi waayeen hor-istaagitaanka dowlad gobleedakaa u hinqaday dhinaca ka go’ida Soomaaliya inteeda kale.

Waxaa inoo muuqtaa markasta oo ay dowlada dhexe noqoto mid u afduuban xaaladda amni ee qalafsan una garba duuban loolanka dhexdeeda ah, taasi waxay keenaysa waqti ay qaadataba inuu xaqiiqoobo Puntland inay ka go’do Soomaaliya.

Malaga yaabaa in dhibaatada hada ay dowlada dhexe la nooshahay inuu kasii daro oo xaaladda Puntland iyo qaabka loo maamulo siyaasadiihiisa uu la mid noqdo Maamulka Kurdistaanka-Ciraaq, mise dowladdu waxay la’imaanaysaa siyaasad cusub taasoo xal ay ugu raadinayso Maamul Gobolaydyada.

Kurdistaankii Soomaaliya:-

Markii la’asaasay Puntland ilaa hadda aan qorayo qoraalkaan, Puntland lama tacaamulin hay’adaha kala duwan ee Dowlada Dhexe.

Waxaa wax lala yaabo ah in wasiirka difaaca, taliyaha booliska, taliyaha sirdoonka ee dowlada federaalka aysan awood ku leheyn inay la socdaaan shaqooyinka ay qabanayaan “Laamaha lajaadka ah ee Puntland” amar inay siiyan iskaba daaye.

Intaa waxaa sii dheer in Puntalnd had iyo jeer baadi goob ugu jirto in si gooniya loola tacaamulo mar kastoo lafuro wadahalo, meel sare ayay qabsataa si ay u wiiqdo una yarasyso awooda Dowlada Dhexe.

Khilaafaadka Muuqda:-

“Gobalka Mudug yuu raacsan yahay”

Waxaa soo nooleeyay khilaafka in dowladda federaalka ay ku dhawaaqday in la mideeyo Gobolada Mudug iyo Galgaduud si loo dhiso Maamul Goboleed Cusub, waxay iclaamisay in shir wada-tashi loo qabto labada gobol bisha soo socota, arintaan waxaa soo dhaweeyey dhamaan maamulada ka jiray labada gobol marka laga reebo Puntland oo dareentay in 3 magaalo ay ku weenayso hadii talaabadaasi hirgasho intaa kaliya maahee waxaana ka dhalanaya arrintaas in Puntland culayskii siyaasadeed ay lahayd ay dhumiso, arrintaa waxa ay keentay in Puntland xiriirka ay u jarto dowladda federaalka illaa ay go’aankaas dib uga laabaynayso.

Dhinaca kale xukuumada federaalka waxay u aragtaa in dastuurka uu ku waajibanayo dhisidda maamul goboleedyo ku xiran shardi ah in maamulkaa uu noqdo mid ka kooban labo gobol iyo wixii ka badan sidaas awgeed waxaaa waajib ah in labada gobol laysku daro ayadoo la fiirinayo maamul aahaan meesha ay raaci karto aan la fiirinayn lahaanshaha qabiil.

Caadada sida ay tahay (aan dastuurka ku qornayan) in Puntland madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha ay midkood helaaan, waxa dowladda loo colaadinayo oo ay u haystaan waxay tahay inaysan laba tooko oo isku xigta aan qabaa’isha Puntland laga soo dhex-dooran ra’iisul wasaaraha, tani oo loo fasiran karo iska indha tirid si ula kac ah loo sameeyay iyo gacan-bidixeyn nidaamsan oo looga gol leeyahay tahmiishinta Puntland tasoo ka dhex abuuri karta cadaawada iyo naceyb jiitama.

Heshiisyada Labada-dhinac Asbaabaha Fashalka & Xiriirka Mustaqbalkooda

1- Madaalibta (Dalabyada) Puntland waxay ahayd mid dowladihi ku meel gaarka ahaa aysan u la hayn awood dastuuriya oo ay ku fuliyaan, heshiisyadii ay wada gali jireena waxay ahayd mid dowlada dhexe ay doonaysay kaliya dajinta xaaladda markaas taaganayd.

2- Hogaanka Puntland, khaas ahaan muddadii madaxweyne Faroole waxay ahaayeen kuwa iska jecel isku dhaca ayaga iyo maamulka Muqdisho inuu iska jiitamo, ayagoo u adeegsanaya khilaafkaas mid ay ku helaan soo jiidashada shacabkooda iyo sii jiritaanka Puntland iyo inay abuuraan nacayb ay shacabka Puntland u qabaan dowladda Muqdisho, si ay ugu gogol xaaraan go’itaanka maankooda ka guuxaya.

3- Dowladda federaalka oo dhinaceeda ka jirin rabitaan siyaasadeed oo dhaba sidii ay usoo dumi laheyd Puntland wadada ay umaraysana tahay in dowladda federaalka ay taageero-maaliyadeed u muujiso Puntland, si ay uga daboosho qarashaadka daruuriga ah sida bixinta mushaaraadka ciidanka oo kale.

4- Kaalinta xubnaha matala Puntland ee dowlada federaalka oo dowrkoodii gabi ahaanba gabay.

Dhacdooyinka & Xaaladah la Filan Karo.

Marxaladda soo socota waxaa hubanti ah in Soomaaliya ay gashay xaalad cusub oo ah inay dowladdi ka baxday ku meel gaarkii, ayna bilaabatay marxalad Aduun Weynuhu daneenayo in si toos ah ay u la xiriiraan Muqdisho.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Maraykanka (Hillary Clinton) waxa ay sheegtay mar ay la kulantay madaxweyne Xasan Sheekh in la joojiyay nidaamkii-tacaamuleed ee hore oo loo yaqaanay “Dual-Track”, intaa waxaa sii dheer in Maraykanku ictiraaftay dowladda una aqoonsaday in dowladda fedaraalka ay tahay jihada kaliya ee la gala xiriirayo arrimaha Soomaaliya.

Xaaladda 1aad:-

Marka loo fiiriyo dowladda sida ay isugu ballaarisay dhulka cusub ay qabsatay, awooddi ama cududdii kooxda Al-Shaabaab oo wiiqantay ama soo aruurtay, dowladada federaalka oo heshay taageerada caalamka intaa waxaa sii dheer ciidamada AMISOM oo ah cududda ciidan ee dowladda, iyo inay taageero-maaliyadeed ka heshay qeyb ka mid ah dowladaha Carbeed, dunidda Islaamka iyo dowlado saaxiibo dhow la ah Soomaaliya.

Intaas arrimood oo isbiirsatay Puntland waxay ku qasban tahay inay iskala heshiiso oo ay furto baal cusub dhinaca xiriirka ah, hadii ay isku daydo Puntland in arintaas dib uga dhacdo ayadoo og dowladda federalka inay kasoo kabanayso dhincyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo aminiga, Puntland waxay noqonaysaa mid go’doonsan gooni-joog ah intaa kaliya kuma ekee, waxay dhuminaysaa qeyb ka mid ah kaararkeeda siyaasadeed, waxayna ku danbeenaysaa mid kalligeed isku-mashquulsan ayoodana wax dhib ah gaysan karin.

Xaaladda 2aad:-

Waa in dowladda federaalka aysan ka faa’ideysan fursadaha horyaal ee leh mid gudaha ah iyo mid dibadeedba noqotana mid u afduuban isqabqabsi iyo khilaafaad dhexdeeda ah sida khilaafaadka soo noqonoqda ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa iyo inay ku mashquusho maamulada kale ee ka jira koonfurta Soomaaliya iyo inay maareen waydo xiriirka aan fiicnayn ee ay la leedahay Kenya, arrimaahaas aan sheegnay oo dhan haday xal u heli waydo waxay fursad siinaysaa Puntland inay ku sii socoto hab-dhaqankeedii ahaa mid jecel isku dhaca iyo khilaafka dowladda federaalka iyo in Puntland awood u yeelato ka qaybqaadashada wax ka dajinta Road Mapka lagu gaarayo doorashooyinka madaxwaynaha iyo kan baarlamaankaba, hadii ay tani dhacdo waa arrin Puntland awood siinaysa ayna xaq u leedahay inay shuruudaha ay rabto u yeeriso Muqdisho.

Xaaladaha 3aad:-

In labada dhinac heshiisyo kala saxiixdaan taasoo macnaheedu tahay in lagu sii socdo habkii caadada ahayd oo ah in qadiyada khilaafku ka taaganyahay la qaboojiyo dhinacna kalena mid kale cirka lagu sii shareero, arrintaas waa sii wada-joogitaan lagu qasban yahay illaa laga gaarayo xal kama dambays ah

Xaaladda 4aad:-

Waxay noqon kartaa in la unko dowlad goboleedyo sida Puntland oo kale, iyadoo la fullinaayo dastuurka ka dibna waxaa la is kugu yeerayaa dhamaan dowlad goboleedyada, si ay ra’yigooda uga dhiibtaan taasoo dhabarka ku dhufanaysa la kali-noqoshada awoodeed ee Puntland.

W/Turjumay:- Cali Jaamac Warsame(Cali Xeef)
calixeef2019@gmail.com

error: Content is protected !!