Dad lagala degay gaari ay la socdeen oo lagu dilay deegaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in illaa 5 qof habeenkii xalay lagu dilay deegaanka Xawaadley ee degmada Balcad, kadib markii gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen dadkaasi lagala soo degay.

Maleeyshiyo beeleed ka tirsan kuwa deegaanka Xawaadley ayaa la sheegayaa inay 5-taasi qof u dileen aano qabiil.

Dadka la dilay ayaa la sheegayaa inay kala ahaayeen darawalkii gaariga, kirishbooygii la socday a iyo 3 qof kale oo ka mid ahaa dadkii rakaabka gaariga.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegayaa inay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen, kadib markii ay dadkaasi dileen.

Tuulooyin ka tirsan degmada Balcad ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waxaa ka taagnaa xiisado colaadeed oo u dhaxeeysa beelo halkaasi wada degan, iyadoo maamulka Hirshabeele uusan weli ku guuleysan inuu arrinkaasi wax ka qabto.

error: Content is protected !!