Dowladda Soomaaliya soo dhaweeysay go’aanka golaha wasiirada India ee maxaabiista

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay go’aanka golaha wasiirada India oo ay ku ansixiyeen heshiiskii Soomaaliya iyo India ee ku saabsanaa is-weydaarsiga maxaabiista.

Golaha wasiirada India oo uu shir-guddoominayey ra’iisul wasaaraha dalkaasi Shri Narendra Modi ayaa ansixiyay dhaqan-gelinta heshiiskii Soomaaliya iyo India ay kala saxiixdeen ee ku aadanaa in maxaabiista la is-weydaarsado.

Dhaqan-gelinta heshiiskan ayaa sahlaya maxaabiista Soomaalida ee ku xiran India loo soo masaafuriyo dalkooda hooyo.

Wasiirka warfaafinta Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in go’aanka golaha wasiirada India ay soo dhaweynayaan islamarkaasna maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas India la keen doono dalkooda hooyo, si ay ugu soo dhawaadaan qoysaskooda iyo shacabkooda.

Wuxuu Eng. Yariisow sheegay in dowladda federaalka ay ka shaqeyn doonto sidii maxaabiistaas loo dhaqan-celin lahaa oo marka ay xabsiga dhameystaan ay u noqon lahaayeen muwaadiniin ka qeyb qaata dib u dhiska dalka.

Eng. Yariisow oo hadalkiisa wata ayaa yiri “Dowlada federaalka waxey u mahad-celineysaa dowlada India oo ka dhabeeyey heshiiskii san wada gaarnay isla markaasna xushmeeyay, si muwaadiniinteena ku xiran xabsiyada dalka India loo keeni lahaa dalkooda hooyo. Go’aankan waa mid ay qoysaska maxaabiista ku xiran dalka Inida ay aad u soo dhaweeeyo iyo sidoo kale dowladda federaalka oo juhdi weyn ku bixisay sidii muwaadiniintooda loo karaameyn lahaa oo loo keeni lahaa dalkooda hooyo si ay shacabkooda iyo qoysaskooda ugu dhawaadaan”.

-DHAMAAD-

Wasaarada Warfaafinta
media@moi.gov.so

error: Content is protected !!