Magacyadda saraakiisha saakay lagu dilay weerarkii deegaanka Af-urur ee gobolka Bari

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa saakay weerar xoogan ku qaaday saldhig ay ciidamada daraawiishta Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee gobolka Bari, waxaana la xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay ku dhawaad 50 askari oo ay ku jiraan saraakiil sare.

Saraakiisha weerarka lagu dilay ayaa la sheegayaa in labo ka mid ah ay ahaayeen taliyihii saldhigga ciidamada la weeraray iyo ku-xigeenkiisa.

Warbaahinta Bulshoweyn ayaa heshay dhamaan magacyadda saraakiisha lagu dilay weerarkaas, iyadoona sidoo kale ay jiraan dad shacab ah oo weerarkaasi ku dhintay.

Al-shabaab ayaa shaacisay in weerarkii ay saakay ku qaadeen saldhigga deegaanka Af-urur ay ku dileen 61 qof oo isugu jira saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka Puntland, islamarkaana ay qabsadeen illaa 16 gaari dagaal.

Dhinaca kale, wasiirka amniga ee maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u beeniyay tiradda ay Al-shabaab sheegeen inay ku dileen weerarkaas.

Wuxuu wasiirka sheegay in dadka ay dileen Al-shabaab ay ku jireen odayaal iyo dumar ka tirsanaa dadka deegaanka, isagoona tilmaamay in dagaalka uu ka dhacay bartamaha deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Magacyada saraakiisha lagu dilay weerarka saakay lagu qaaday saldhiga Af-urur ayaa waxaa ka mid ah:-

1-   Korneel Shire Cumar Cali

2-  Gaashaanle Dhexe Warsame Muuse Axmed

3-  Gaashaanle Dhexe Maxamed Saalax Jaamac Tusbaxle

error: Content is protected !!