Nabadoon Axmedey Barre oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa caawa agagaarka Hoteelka Garguurte ee degmada Yaaqshid ku dishay nin magaciisa lagu sheegay Nabadoon Axmadey Barre.

Allaha u naxariistee Axmadey Barre ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa ergadii odayaasha ahayd ee wax kasoo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu doortay magaalada Jowhar.

Kooxaha dilka u geystay Marxuum Axmadey Barre ayaa la sheegay inay ku hubeysnaayeen bistoolado, iyagoona dilka kadib goobtaasi isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan nabad sugidda ee NISA oo markii dambe gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa howlgalo baaritaano ah halkaasi ka bilaabay, iyagoona sidoo kale halkaasi ka qaaday meydka marxuumka.

Maamulka degmada Yaaqshid oo goordhaw la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in ciidanka nabad sugidda ee NISA ay weli ku daba-jiraan raggii ka dambeeyay falka dilka ah, dibne ay faah faahin kasoo bixin doonaan.

Illaa iyo haatan ma jirto cid loo soo qabtay ama sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi loo geystay Allaha u naxariistee Axmadey Barre, balse dilalka ceynkaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa sheegta Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa haatan u muuqda inay kordhiyeen falalka khaarijinta dadka ah, kadib markii culeys kasoo food saaray howlgallo ay ciidamada xasillinta ammaanka Muqdisho ka bilaabeen degmooyinka gobolka Banaadir

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!