XOG:- Madaxweyne Farmaajo oo weli ka caga-jiidayo inuu xiriirka diblomaasi u jaro Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu weli ku adkeysanayo in dowladda Soomaaliya ay dhex-dhexaad ka noqonayso khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan dalalka Khaliijka iyo Qadar.

Sarkaal ku sugan xarunta madaxtooyadda Soomaaliya oo si hoose ula hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u xaqiijiyay in dowladda Sucuudiga ay maalmihii ugu dambeysay dowladda Soomaaliya cadaadis ku saartay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto dowladda Qadar, balse madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu arrinkaasi ka caga-jiidayo.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa in wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya uu ku amray inay go’aan dhex-dhexaad ah ka taagnaato khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan dowladaha Khaliijka iyo Qadar.

Go’aanka madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu soo baxay xilli 6 wasiir oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ay maalintii shalay u amba-baxeen dalka Sucuudiga, si ay halkaasi ugu soo saxiixaan heshiisyo iskaashi iyo mashaariic horumarineed oo ay dowladda Sacuudiga ka fullinayso Soomaaliya.

Dalalka Masar, Sucuudiga, Baxreyn iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan shaaciyay inay gebi-ahaan xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dowladda Qadar, kadib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto ururo argagaxiso ah.

error: Content is protected !!