Ciidamada xasillinta oo saakay howlgal aan caadi ahayn ka bilaabay magaalada Muqdisho

Ciidamada xasillinta ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saakay aroortii howlgal aan caadi ahayn ka bilaabay xaafado ka tirsan degmada Hodon ee gobolka Banaadir, waxaana ay howlgalkaasi kusoo qab-qabteen dhalinyaro aad u badan.

Howlgalkaasi oo haatan si toos ah uga socdo xaafadaha ku yaalla degmada Hodon, gaar ahaan aggagaarka xarunta madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa waxaa lagu soo qab-qabatay dad lala xiriirinaayo inay falal xasilooni darro ah ka wadaan magaalada Muqdisho.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkaasi oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay inay haatan sii daayeen inta badan dhalinyaradii howlgalka lagu soo qab-qabtay, kadib markii lagu waayay wax dambi ah.

Howlgalkaan ay ciidamada xasillinta ammaanka Muqdisho ka wadaan qeybaha kala duwan ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa u muuqda mid keeni kara isbedel dhinaca ammaanka ah, waxaana howlgalkaan lagu soo beegay xilli lagu guddo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Si kastaba ha ahaaatee, labadii maalmood ee ugu dambeysay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacaayey falal lid ku ah ammaanka magaalada, kadib markii dhowr habeen oo isku xigtay gudaha magaalada lagu dilay nabadoono iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!