DEG DEG:- Guddoomiye waaxeed goor-dhaw ku dhintay dagaal ka socdo magaalada Muqdisho

Ciidamada isku dhafka ah ee xasillinta ammaanka magaalada Muqdisho iyo kuwa militeriga Soomaaliya, balse qaab beeleed u abaabulan ayaa haatan dagaal culus ku dhexmarayaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkaasi oo noqonaya kii seddaxaad oo ay ciidanka xasillinta kala kulmaan kuwa militeriga Soomaaliya ayaa sida la sheegay yimid, kadib markii howlgalo baaritaano ah ay ka bilaabeen xaafadaha ku yaalla degmada Kaaraan.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u xaqiijiyay in dagaalkaasi uu ku dhintay guddoomiye waaxeedka xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan Cabdi Maxamed Dhageey oo loo yaqaanay Cabdi Jiis.

Waxaa sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac kale oo soo kala gaaray labada dhinac ee haatan dagaalamaya, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu la’eg yahay qasaarahaas.

Dhinaca kale, xaafadaha ku yaalla degmada Kaaraan ayaa waxaa weli laga maqalayaa rasaasta ay isweydaarsanayaan labadaas dhinac, waxaana weli kacsan goobta uu dagaalka ka bilawday.

Degmada Kaaraan ayaa ah meesha ay inta badan degan yihiin mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna sidoo kale degmadaasi ka mid tahay degmooyinka ugu nabadda fiican, marka loo eego degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!