Go’aano laga soo saaray shirkii ay golaha wasiiradda ku yeesheen magaalada Muqdisho

Golaha wasiirada ee xukuumada federaalka Soomaaliya oo maalintii shalay kullankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay uga hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iyo dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku xiran dalalka dibadda ah, ansixinta miisaaniyadda sanadkaan 2017-ka, mowqifka dowladda Soomaaliya ay ka taagan tahay xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeeysa dowladaha Khaliijka iyo Qadar.

Kullankaasi oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu horeyn looga dooday xisaab xirka miinasaaniyaddii hore iyo meel marinta miisaaniyadda 2017-ka, waxayna goluhu isku raaceen ansixinta miisaaniyadda cusub oo ka kooban $246 Milyan oo dollar-ka Mareykanka ah, taas oo dawladdu ku shaqeyn doonto inta sanadkaan ka dhiman.

Sidoo kale, golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa kullanka kaga dooday mowqifkii dowladdu ay ka qaadatay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka carbeed ee isbahaysiga la ah Sucuudiga iyo dowladda Qadar, waxayna goluhu taageereen go’aanka dhex dhexaadnimada ah ee dowladda Soomaaliya ka qaadatay arrinkaas, iyagoona bogaadiyay dadaalada socda ee xalka loogu raadinayo khilaafka labada dhinac.

Dhinaca kale, golaha wasiirada ayaa walaac ka muujiyay xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen iyo dhalinyaradda ku xiran dalka Liibiya, waxayna goluhu sheegeen inay ku dadaali donaan sidii wax loogu qaban lahaaa samata-bixinta dadkaas oo dhibaatooyin kala duwan ay haystaan.

Ugu dambeyntii, golaha wasiirada ayaa soo dhaweeyay dhaqan gelinta heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo Hindiya ku gaareen in dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaas ku xiran dib loogu soo celiyo dalkoodii hooyo. si ay xukunkooda u dhameystaan iyagoo ka ag-dhaw qoysaskooda.

error: Content is protected !!