Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday doorashada UK iyo xisbiga muxaafidka oo qasaaray

Kadib doorashadii shalay ka dhacday dalka UK ayaa waxaa laga soo saaray natiijo hordhac ah oo keentay in xisbiga muxaafidka “Consevative Party” oo ay ka midka tahay ra’iisul wasaare Theresa May uu lumiyo kuraas badan oo ay hore ugu lahaayeen baarlamaanka, halka xisbiga kale ee “Labour Party” oo doorasha kula tartatamay uu helay kuraas ka badan kuwii uu hore u heystay.

Ra’iisul wasaaraha dalka UK Theresa May oo markii hore soo dadajisay inay doorashadaan dalka ka dhacdo ayaa rajo weyn ka qabtay inay hesho awooda guud ee aqlabiyada baarlamaanka dalkaasi, si ay u hirgeliso gor-gortanka adag oo ay ku dooneyso inay la gasho madaxda Midowga Yurub.

Theresa May ayaa qorshaheeda ahaa in hadii xisbigeedu kuraas dheeraad ah ka helo baarlamaanka, si ay ugu fududaato fullinta barnaamijkeeda, inkastoo xisbigeeda uu weli yahay kan ugu kuraasta badan.

Xisbiga Conservative Party ayaa haatan haysta illaa 318 kursi, wuxuuna doorashada ku lumiyay ugu yaraan 12 kursi oo ay horey u heysteen.

Dhinaca kale, xisbiga shaqaalaha ee Labour Party ayaa doorashadaan guul weyn ka gaaray, maadaama ay heleen 29 kursi oo dheeraad ah, waxayna haatan heystaan in kabadan 261 kursi.

Guddoomiyaha xisbiga Labour Party Mr. Jeremy Corbyn ayaa markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada ee hordhaca ah wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaare Theresa May inay xilka iska casisho, maadaama aysan heysan taageeradda aqlabiyada baarlamaanka, islamarkaana ku fashilantay doorashadaasi oo ay iyadu soo qaban qaabisay.

Xisbiga shaqaalaha ee Labour Party ayaa taageero xoog leh ka helay dhalinyaradda iyo ardayda oo iyagu si weyn horey uga soo horjeeday in dalka UK isaga baxo Midowga Yurub.

Sidoo kale barnaamijka xisbiga Labour Party waxaa si weyn u taageeray shaqaalaha oo soo dhaweeyay qorshahooda ah in sare loo qaado shaqo abuurista iyo musharaadka.

Ugu dambeyntii, dalka UK ayaa weli ku qasban inay isaga baxaan Midowga Yurub, balse natiijadaan ayaa keeneysa in ra’iisul wasaare Theresa May aysan hirgelin karin gor-gortankii adkaa oo ay la gali lahayd madaxda Midowga Yurub, taas oo ku qasbi lahayd in UK ay dhinaca EU-da tanaasulaad badan u sameeyso.

error: Content is protected !!