Madaxweynaha Hirshabeele oo isbadel ku sameeyay maamulka gobolka Hiiraan (AKHRISO)

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble ayaa xilalkii looga qaaday mas’uuliyiintii hore ee maamulka gobolka Hiiraan oo ugu horeeyo guddoomiyaha gobolkaasi Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble ayaa isla wareegtadaasi guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan u magacaabay Cumar Aadan Deeqoow Baadiyoow oo horey u ahaa duqii magaalada B/weyne.

Hoos ka aqriso maamulka cusub ee gobolka Hiiraan iyo xilalka loo magacaabay

– Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, waxaa loo magacaabay Cumar Aadan Deeqow Baadiyoow

– Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda, waxaa loo magacaabay Maslax Maxamed Cismaan

– Guddoomiye ku-xigeenka maamulka, waxaa loo magacaabay C/rashiid Sheekh Cali

– Guddoomiye ku-xigeenka maaliyadda, waxaa loo magacaabay Khaalid Bashiir Cali

– Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada, waxaa loo magacaabay Sheekh Xuseen Cismaan Cali

– Xoghayaha gobolka Hiiraan, waxaa loo magacaabay Cabdulle Nuur Guure

– Guddoomiyaha magaalada B/weyne, waxaa loo magacaabay Aadan Maxamed Xeefow.

– Duqa magaalada B/weyne, waxaa loo magacaabay Cali Dhuux Cali Mahad Alle oo horey u ahaa taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee, isbadelkaan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee uu madaxweyne Cali C/laahi Cosoble mar kaliya ku sameeyo maamulka Hiiraan, wuxuuna amarkaan dhaqan-galayaa laga bilaabo maanta oo Sabti ah.

error: Content is protected !!